Home » Masuuliyiin Katirsan DFS Iyo K/Galbeed oo ka Qeybgalay Munaasabada Qalanjabinta Dufcadii 5-aad Jaamacadda Koonfurta Somaaliya (SAWIRRO)

Masuuliyiin Katirsan DFS Iyo K/Galbeed oo ka Qeybgalay Munaasabada Qalanjabinta Dufcadii 5-aad Jaamacadda Koonfurta Somaaliya (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)– Sanetar Wasiiro, xildhibaano, Pfro Maamulka Jaamacada Koonfurta Soomaaliya, xubno kala duwan oo lagu casuumey iyo Marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad ay ku qalan jabinayeen 249 ardey oo dhameystay lix kuliyadood ee Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya.

Ardeydan ayaa bartay Lix kuliyadood oo kala ah Caafimaadka, Ganacsiga iyo Tignoolajiyadda, shareecada, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada Iyo Cilmiga Beeraha iyo Xoolaha.

Prfo Mohamed Abdulkadir Eenow guddoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo ugu horeyn madasha ka hadlay waxaa uu ku dheeraadey muhiimada maalintan ay u leedahay ardeyda mudada afarta sanno ah fasalka fadhiyey kuwaasi oo maanta nasiibku ugu simay inay qalan badashaan ka jaamacad ahaana ay ku dadaleen tayeyta iyo kor u qaadida aqoonta.

masuuliyiintii Goobta ka hadlay oo ay ku jireen Senater Xuseen Maxamed Daahir wasiirka Arrimaha gudaha wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane cabdifatax Samaale waxay ku dheeraadeen qiimaha waxbarashadu leedahay waxayna hambalyo u direen ardeydii dhamaysatay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Southern University Somalia.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com