Home » Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay Kalfadhiga labaad ee Golaha Deegaanka QM

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay Kalfadhiga labaad ee Golaha Deegaanka QM

by Weriye Ahmed Yare

Nairobi (CKG) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan (Bashiir Goobe) iyo Danjiraha Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Mudane Ambassador Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeybgalay furitaanka  shir-weyne ay qabaneyso  UN- Habitat.

Shirkaan ayaa ah furitaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Deegaanka Qaramada Midoobe (UN Habitat), kaas oo arrimo badan looga hadli muddada uu shirka socdo.

Mowduuca sanadkaan ee kal-fadhigaan ayaa lagu gorfeyn doonaa waxa loogu yeero Mustaqbal Magaalo waarta, iyada oo loo marayo is-dhex-gal dhinacyo badan leh, si loo gaaro yoolka horumarineed ee joogtada ah waqtiyada xasaradaha caalamiga ah ay jiraan.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com