Home » Mas’uuliyiin Booqday Deegaano Uu Ka Fatahay Wabiga Shabeelle

Mas’uuliyiin Booqday Deegaano Uu Ka Fatahay Wabiga Shabeelle

by Mohamed Adam Socdaal

Jowhar (CKG)- Guddoomiyaha Gobolka Shabellada Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Jowhar ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tagay Tuulada Raqeyle oo dhawaan fatahaad uu ka  sameeyey wabiga Shabelle

Odoyaasha iyo Maamulka Tuulada ayaa Gudoomiyaha Warbixin kasiiyay saameynta fatahaada ay ku yeelatay waxayna soo bandhigeen qasaaraha uu geystay wabiga fatahay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu xakameeynayo fatahaada Shacabkana laga doonayo inay kaalin ka qaataan dadaalada socda waxa uu sido kale Hay’adaha gurmadka ugu baaqay iney uso gurmadan Dadka ay saameysay fatahaada

Ugu dambeyn  Guddoomiyaha Gobolka ayaa kormeerka kusoo gabagabeeyay wadada aada Xaafada Buulo Sheekh oo dib ufurid & dayactir lagu sameynayo.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com