113
Baydhabo(CKG)-Wafdi uu Hogaaminayo La Taliye Sare Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ka hortagga leex-sashada Gargaarka Bani’aadminimo Mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna Maye ayaa maanta soo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wasiiro, Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud kuso dhoweyey Wafdiga uu Hogaaminayey La Taliye Sare Cabduqaadir Shariif.
Socdaalka La Taliye Sare Hay’adda Sodma ee Magaalada Baydhabo ayaa ah Howlo Shaqo inta uu joogo Magaalada Baydhabo ayaa ka qayb galaya shirar iyo kulamo lagu soo bandhigayo Siyaasadda iyo qorshaha uga degsan Hay’adda SoDMA, ka hortagga leexsashada Gargaarka iyo sidii loo hubin lahaa in gargaarku gaaro Dadka xaqa u leh. Sidoo kale la taliyaha ayaa kala qaybgalay Wasaaradda Gargaarka KGS, Daahfurka Qorista Sharciga ka hortaga leexsashada Gargaarka ee heer Dowlad Goboleed.
Codkakoonfurgalbeed.com