Home » Mas’uulin ka tirsan ciidanka Asluunta qeybta KGS oo gaaray Degmada Diinsoor.

Mas’uulin ka tirsan ciidanka Asluunta qeybta KGS oo gaaray Degmada Diinsoor.

by Weriye Ateera

Diinsoor(CKG)- Wefdi uu hogaaminaayay  taliyaha ciidanka asluubta qeybta koonfur galbeed soomaaliya Aadan Cali Axmed G/sare saraakiil iyo agaasimo waaxeedyo ka tirsan wasaaradda caddaaladda iyo garsoorka koonfur galbeed ayaa gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

taliyaha iyo wefdigii la socday ee gaaray degmada Diinsoor ayaa waxaa soo dhaweeyay taliyaha saldhigga degmada Diinsoor, saraakiil iyo maamulka degmada Diinsoor.

taliyaha ciidanka Asluubta qeybta koonfur galbeed soomaaliya Aadan Cali Axmed G/sare  ayaa waxaa uu kormeer ku tagay saldhigyada ku yaala degmada Diinsoor gaar ahaa saldhigga ciidanka asluubta degmada Diinsoor kaas oo xiligaani ka muuqdo bur bur xoogan asigoona helin wax dayactir ah tan iyo bur burkii dowladdii dhaxe ee dalka.

Taliyaha iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda caddaaladda iyo garsoorka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxay warbixino la xiriira saldhigyada iyo dadka ku xiran ka siyay ugu horeyntii Cusmaan Maxalin Guddoomiyaha maamulka degmada Diinsoor.

Anigoo ah Guddoomiyaha maamulka degmada Diinsoor maanta waxaan aad ugu faraxsanahay in degmada ay soo garaan Taliyaha ciidanka Asluubta KGS iyo mas’uulinta kale ee ka socdaan wasaaradda caddaadda iyo garsoorka KGS si ay wax badan ugu ogadaan xaaladda adag ee ka jirta saldhigga degmada Diinsoor ee qeybta Asluubta, waxaana ka rajeynayaa in warbixinteena gaarsiin doono madaxda ugu sareyso maamulka koonfur galbeed gaar ahaan taliska ciidanka Asluubta dowladda faderaalka soomaaliya”

Taliyaha ciidanka Asluubta qeyb koonfur galbeed G/sare Aadan Cali Axmed ayaa sheegay in shaqada ay hayaan ciidanka Asluubta degmada Diinsoor ay tahay mid u baahan in lagu dhiira-galiyo madaama ay ku shaqeynayaa duruufo adag taasina maalin lagu abaal marin doono.

dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in wax badan laga qaban doono dhismaha saldhigga iyo waxyaabaha kale ee u baahan yahay si loogu adeego bulshada degmada, wuxuuna dhiira-galin u jeediyay taliyaha, saraakiisha iyo ciidanka saldhigga.

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com