Home » Mas’uulin ka soo jeeda Buur-Hakaba oo DF ugu baaqey in ay soo faragaliso arimaha ka taagan degmadaasi.(SAWIRRO)

Mas’uulin ka soo jeeda Buur-Hakaba oo DF ugu baaqey in ay soo faragaliso arimaha ka taagan degmadaasi.(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Xildhibaano iyo wasiiro kala leh heer federaal iyo kuwa maamulka KGS, odiyaasha dhaqanka ka soo jeeda Degmada Buur-Hakaba oo qeyb ka yahay Prfo. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulan ay ku yesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen in aysan waxba ka ogeen in Degmada Buur-Hakaba loo dhisaayo glle degaan taasi oo mar uu booqday madaxweyne Lafta-gareen ku dhawaaqay.

Kulankaan oo ay yeshaan xildhibaanada, wasiirada, siyaasinta iyo odiyaasha dhaqanka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo looga hadlaayo xaaladaha guud ee ka jira Degmada Buur-Hakaba.

Qodobada ayaa waxaa kamid ahaa in maamulka KGS uu hogaaminaayo Cabdicasiis Lafta-gareen in muddo 5 sano ah waxba aysan ka qaban xaalada kala duwan ee ka jira degmada.

In dhamaan maamuladii soo maray degmada in wada tashi lala sameynin mas’uulinta ka soo jeeda Degmada.

In dilal badan ka dhacay degmada guddiyo iyo dadka kale looga xil saarin.

Ugu dambeyntii kulankaani ayaa baaq looga jeediyay dowladda Federaalka soomaaliya in ay soo fara-galiso, haddii arintaani xal laga gaari waayo wixii ka dhasha oo dhibaato ah in mas’uuliyadda ay saaran tahay DFS.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com