Baraawe(CKG)-Wefidi uu hogaaminaayo agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisinta dowlad goboleedka KGS ayaa gaarey degmada Baraawe ee caasimadda KGS.
Wefdiga ayaa la socday lataliyaal ka socday xafiiska madaxweynaha KGS, wasaaradda dib u heshiisinta DFS iyo madaxda hay’aada UNDP, waxaana wefiga garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ku soo dhaweeyay maamulka degmada oo ugu horeeyo Dr Liibaan Abuukar Cusmaan, xubno kamid ah golaha degaanka iyo saraakiisha ciidanka degmada.
Intaasi kadib wefdiga, masuulintii la socotay iyo maamulka degmada Baraawe ayaa waxay kormeer ku tageen isbitaalka weyn ee degmada, saldhiga booliska, kawaanka weyn iyo xarunta bulshada ee degmada, halkaasi oo kulamo kula qateen maamulka iyo Ururada bulshada ra’idka
Dr Liibaan Abuukar Cusmaan gudoomiyaha degmada Baraawe ayaa masuulinta uga warbixiyay xaaladda guud ee degmada Baraawe, hawlaha maamulka iyo xaaladda dadka tawaaleysan ee degmada ku nool.
Uljeedka wefdiga gaaray ee degmada Baraawe ayaa ku aadanaa balan qaadyadii madaxweynaha KGS iyo in la dar dar galiyo mashaariicda ay u baahan tahay degmada Baraawe.
Codkakoonfurgalbeed.com