Home » Masjid ku yaalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo la gubay

Masjid ku yaalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo la gubay

by CKG Editor

Minnesota (CKG) – Dalka Mareykanka, waxaa sii kordhaya weerarada islaam naceebka ku saleysan ee lagu qaadayo goobaha cibaadada, gaar ahaan masaajidada muslimiinta ay ku leeyihiin dalka Mareykanka.

Weeraradan ayaa waxaa geysanaya kooxo lagu tilmaamay cunsuriyiin islaamka neceb.

Masaajidka la weeraray oo lagu magacaabo Towfiiq ayaa waxa uu ku yaalaa magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota. Masjidkan ayaa dab la qabadsiiyay.

Ilaa iyo hadda ma jiro cid falkaasi ka dambeysay oo ciidamada ammaanka ay u soo xireen.

War ka soo baxay laamaha ammaanka ee magaalada St. Paul ayaa lagu sheegay in ay baarayaan Masaajidka dab la qabadsiiyey iyo ciddii ka dambeesay, iyagoona xusay in falkaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.

Masjidkan ayaa xilliga dabka la qabadsiiyay waxaa ku socday dhismo, waxaana falkan walaac xooggan ka muujiyay muslimiinta ku nool dalka Mareykanka oo dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato weerarada lagu qaadayo masaajida muslimiinta ku cibaadeystaan.

Waa Masjidkii Lixaad ee sanadkan gudihiisa lagu weeraro gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com