Home » Mashruucyo horumarineed oo laga dahfuray Degmada Xudur(SAWIRRO)

Mashruucyo horumarineed oo laga dahfuray Degmada Xudur(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)– Mas’uulin ka socotay dowlad goboleedka KGS, maamulka degmada Xudur, kan gobolka Bakool, kooxda mashruuca ka soo kabashada xasaradaha, shirkadaha qandaraasleyda iyo qeybaha kala duwan ayaa ka qeyb galay dahfurka mashruucan lagu dhisaayo waddooyin muhiim u ah degmada Xudur iyo xarun caafimad oo loogu adeegi doono Hooyada iyo dhalaanka.

Isku duwaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha KGS Aadan Keerow Cabdi ayaa ka hadlay dhismooyinka la rabo in degmada laga hirgaliyo’ Aadan Keerow ayaa sheegay in diyaarinta mashruucan soo maray mar xaalado kala duwan.

Isku duwaha ayaa tilmaamay in dhismooyinka waddooyinka iyo xarunta caafimaadka ee Hooyada iyo dhalaanta in ay ka timid wadatashi lala sameeyey maamulada gobolka iyo kan degmada Xudur.

Sidoo kale Aadan Keeroew ayaa sheegay in kormeel iyo hubinba ay ku sameyn doonaan inta ay socdaan dhismooyinkooda.

Cumar Cabdulaahi gudoomiyaha degmada ayaa ku faanay in tani ay ku timid wadaalo iyo wadatashiyo ay sameyeen maamulka iyo bulshada Xudur ayna ka qeyb qaadan doonaan bilicda degmada iyo in la helay xarun caafimaad oo lagu dabooli doono baahiyaha caafinaad ee haweenka degmada iyo kuwa kale ee degaanada ka yimaada.

“Tani waxaan ugu mahadcelinaynaa anigoo ku hadlaayo bulshada degmada mas’uulintii soo gartay in degmada Xudur ay u akeysiyaan in ay xarun u tahay degmooyinka kale ee ka tirsan gobolka Bakool ayuu yiri” Cumar Cabdulaahi gudoomiyaha maamulka degmada Xudur.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com