Home » Markabka Turkiga ee shidaalka baaraya oo soo gaaray Muqdisho.

Markabka Turkiga ee shidaalka baaraya oo soo gaaray Muqdisho.

by Weriye Ateera

Muqdisho (CKG) – Markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Markabkan oo lagu magacaabo Oruç Reis ayaa soo istaagay dekedda magaalada Muqdisho, halkaasi oo haatan ay ka socoto munaasabad lagu soo dhaweynayo markabkan oo bilaabi doona howl-galka shidaal baarista ee Soomaaliya.

Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galeysa munaasabada soo dhaweynta markabkan oo ah mid taariikhi ah.

Markabkaan Oruç Reis ayaa horraantii bishan xeebaha Turkiga waxaa ka soo sabootiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirka batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Markabkan ayaa Soomaaliya wuxuu ka fulinayaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Sidoo kale wuxuu howl-galkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com