Home » Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Ereteriya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Ereteriya

by Weriye Ateera

Beijing(CKG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Ereteriya, Mudane Isaias Afwerki, ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ku jiraan xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dal ay isugu kaashan lahaayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo sidii sare loogu qaadi lahaa danaha istiraatijiyadeed ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ereteriya.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha si looga faa’iidaysto fursadaha horumarineed ee labada dal. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in iskaashigan uu muhiim u yahay sugidda amniga gobolka iyo xaqiijinta horumar waara.

Codkakoongalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com