Home » Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Shir Deg Deg Ah Oo Ay Yeesheen Madaxda Dalalka IGAD

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Shir Deg Deg Ah Oo Ay Yeesheen Madaxda Dalalka IGAD

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dalalka Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo ay kaga arrinasadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Suudaan, ayna codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ay ku garab istaagayso nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalahooda Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dalkeenna, xilliyadii adkaa.

Ugu dambayn, madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com