Home » Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Xarardheere.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Xarardheere.

by Weriye Ateera

XarardheereCKG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, iyadoo halkaas si wayn loogu soo dhaweeyey.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka reer Xarardheere, Ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ku dhiirigeliyey jihaadka ay Khawaarijta uga xoreynayaan dalka.

Madaxweynaha dowalad gobolleedka Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale ayaa qeyb ka ah socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku gaaray magaalada Xarardheere.

Xarardheere iyo Ceeldheer ayaa ka mid ah Degmooyinka uu hadda ka socodo Qorshaha xoraynta Dalka gaar ahaa Deegaanada Galmudug.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com