Home » Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Magacaabey Ergeygiisa Xuquuqda Caruurta Iyo Soo Galootiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Magacaabey Ergeygiisa Xuquuqda Caruurta Iyo Soo Galootiga

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo raacaya Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG ayaa tilmaamay in Ergaygan aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga dardargelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Soo-Galootiga, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta Carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasigaa.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com