Home » Madaxweyne Xasan oo u ambabaxay dalka Qatar, lana kulmi doona Amiir Tamiim binu Xamad

Madaxweyne Xasan oo u ambabaxay dalka Qatar, lana kulmi doona Amiir Tamiim binu Xamad

by CKG Editor
Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweynayo dalka Qatar

Dooxa (CKG) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo 2 maalmood ah.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulamo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehlinaya Madax iyo diblumaasiyiin, kuwaa oo ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com