MUQDISHO(CKG)-Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqan doono xerada ciidanka Mareykanka ee Balidoogle, halkaas oo sidoo kale lagu tababaro ciidanka Danab.
Lama shaacin ujeedka safarka madaxweynaha ee Balidoogle, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in halkaas uu kula kulmi doono saraakiisha Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab iyo taageerada ciidanka Xoogga.
Sidoo kale warar kale oo madax bannaan ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu ka qayb-galayo munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay xerada Balidoogle, kuwaas oo kamid noqonayo kumaandooska ee Danab.
Horay xeradan waxaa u booqday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi.
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqalaal ah iyo saraakiishooda ay joogaan xerada Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.
Waxaa kale oo uu Mareykanka taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhiggooda ugu wayn uu yahay xerada Balidoogle.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Goboleedka ee UNDP,
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Goboleedka ee Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyo wafdi ay hoggaaminaysay.
Kulankan, labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka ah ee u dhexeeya UNDP iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahad celiyay Marwo Walter doorka muhiimka ah ee UNDP ay ka qaadato horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.
Intii lagu jiray kulanka, waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay arrimo badan oo dan guud ah, iyadoo lagu nuuxnuuxsaday muhiimadda isuduwidda dadaallada horumarineed si looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, sida beeraha iyo kalluumeysiga. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee looga gudbi karo si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka.
Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka sii socda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado horumar waara oo Soomaaliya ay ka gaarto dhinacyada horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Codkakoonfurgalbeed.com