Home » Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxa Sirdoonka Turkiga +(SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxa Sirdoonka Turkiga +(SAWIRRO)

by Weriye Ahmed Yare

Muqdisho (CKG) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadada maanta ah Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga Mudane Ibraahim Kalin.

Dr Xasan Sheekh ayaa muujiyay in doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya uu muhiim u yahay dowladnimadeenna, waxa uuna xusay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso iskaashiga labada dal ee arimaha amniga, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan oo uu goob-joog ku ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ka tarjumaya sida Soomaaliya iyo Turkiga ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee iskaashiga arrimaha amniga, difaaca iyo la-dagaallanka argagixiaada.

Safarka Madaxa Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga ayaa imaanaya, xilli xasaasi ah isla markaana la filayo in haatan Turkiga uu Maraakiib dagaal usoo diro xeebaha dalkeenna, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiska difaaca ee ay wada galeen labada waddan.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageerta dagaalka dalka looga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab iyo dhinacyo kale oo badan.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com