Home » Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay munaasabadda Xuska Kowda Luulyo +(VIDEO)

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay munaasabadda Xuska Kowda Luulyo +(VIDEO)

by Weriye Ahmed Yare

Muqdisho (CKG) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah ka qeyb-galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna.

Dr. Xasan Sheekh ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wada-jirkooda, ayna xajistaan dhaxalka awooweyaashood.

Wuxuu sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taalada Daljirka Daahsoon cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo gaardis kusoo maray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha JFS ayaa ubax dhigay Taalada Daljirka, si loo maamuuso halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray gobanimada Soomaaliya.

Dabbaal-degga munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay diyaaradaha qumaatika u kaco ee ciidamada Cirka.

Halkan ka daawo Dabbaal-degga Munaasabadda Xuska Kowda Luulyo:

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com