Muqdisho (CKG) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay jeediyay khudbadii Jumcaha ayaa ku dheeraaday ka hadalka heshiiskii golaha wada-tashiga qaran ee hannaanka doorashooyinka dalka.
Wuxuu kaloo Madaxweynuhu ka hadlay qorshaha Isimo dhaqan oo ka socda gobollada Sool iyo Sanaag oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo doorashooyinka ka socda Puntland.
Madaxweyne Xasan sheekh ayaa ugu horeyn ku dheeraaday ka hadalka heshiiskii ay dhawaan gaaleen madaxda golaha wadatashiga qaranka, kaas oo ku saabsanaa nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyo wax ka bedel la qorsheynayo in lagu sameeyo nidaamka baarlamaaniga ah ee dalka.
Halka hoose ka Daawo Khudbadda Madaxweyne Xasan oo dhammeystiran:
CodkaKoonfurGalbeed.com