Home » Madaxweyne Saciid Deni Oo Saaka Ilbaabada U Garaacey Dadka Badhan Si Uu U Weydiisto Codkooda (SAWIRRO)

Madaxweyne Saciid Deni Oo Saaka Ilbaabada U Garaacey Dadka Badhan Si Uu U Weydiisto Codkooda (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Badhan (CKG)- Saciid Cabdilaahi Dani Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa saaka bilaabey in uu ololihiisa Badhan uu guriyaha u gargaraaco dadweynaha ku nool magaaladaasi si uu u weydiisto codkooda.

qoraal uu soo dhigay aruurnimadii hore ee saakay waxaa ku yiri”

Waxaa sharaf ii ah inaan qaraacay Albaabada xaafadaha Degmada Badhan, si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan, oo u codeeyaan Ururka KAAH Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25 May 2023, KAAH waa ururka ay kasoo maaxatay aragtida iyo hirgelinta in awooda Shacabka loo dhoweeyo.

In aniga oo Madaxweynihii ah aan cod ka raadinayo Bulshada, tegayo xaafadaha oo codsanayo cod, waa guulaha ugu weyn ee Shacabku helayo waayo waxay awood u yeesheen in ay wax doortaan, dadkaygow waxaa inaga go’an in aynu wadajir taariikh u sameyno Inshallah (Berito) 25 May 2023.

Waxaynu suntaynaa taariikh cusub oo soo noolaysay Rajada Shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo Rajada u weyn ee dalkeenu waa in dadku codeeyo .

Beriyahan Puntland waxaa ka taagan xaalad ka duwan midii hore wallow Madaxweynaha talada haya ee Puntland uu wado dadaalo shacabka ay codkoodu ku dhiibtaan taasoo siyaasiinta badi ay ka biyo diidsan yihiin.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com