Home » Madaxweyne Lafta-gareen oo Madaxda Sodma kala hadlay arimaha gar gaarka(SAWIRRO)

Madaxweyne Lafta-gareen oo Madaxda Sodma kala hadlay arimaha gar gaarka(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhaba (CKG) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee (SODMA), Maxamuud Macallin oo gaaray magaalada Baydhaba ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Maxamuud Macallin ayaa madaxweyne Laftagareen kala hadlay afar qodob oo kala ah wax ka qabashada xaaladaha taagan ee bani’aadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo Al-Shabaab iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday dardargelinta mashaariic loogu talagalay Koonfur Galbeed oo ay hay’adda SODMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa wasaaradda gargaarka maamulkaasi.

Mashaariicdan intooda badan waxaan maal-geliyay Bankiga Aduunka, oo Soomaaliya ka taageera dhinacyo dhowr ah

Dhinaca kale waxaa kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush oo dhowaanahan Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Hay’adda SODMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee ay dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay deegaannada maamulkaas.

SODMA oo hay’ad ballaaran oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa dalka oo dhan ka fuliso mashaariic kala duwan iyo gargaar qaybin, maadaama loogu talagalay wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimada iyo kuwa ka dhasha musiibooyinka, sida fatahaadaha.
  

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com