Home » Madaxweyne Lafta-gareen oo ku baaqay dadka danta yar sameysay cimilada in wax loo qabto.

Madaxweyne Lafta-gareen oo ku baaqay dadka danta yar sameysay cimilada in wax loo qabto.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ku sugan qoysas badan oo ku soo barakacay magaalada kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan ay u soo gareen tobonkii sano ee la soo dhaafay.

Qoysaska barkacyaasha ah ee ku soo barkacay magaalada Baydhabo ayaa intooda badan waxay degaanadooda ugu soo barakaceen abaarihii is xigxigay ee ka dhaceen dalka iyo kuwo kale oo degaanadii ay ku noolaayeen ugu soo barakacay amni daro oo ku hayeen kooxda Al-shabaab.

Amni darada ay kala soo kulmeen kooxda Al-shabaab ayaa waxaa kamid ah in laga qaadi jiray lacago baad ah xiliyada beerashada beeraha iyo markii ay soo go’aan iyo kuwo kale, carruurtooda oo si qasab ah loogu daro kooxda Al-shabaab iyo siyaabooyin kale.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ku soo barakacy magaalada Baydhabo kuwaasi oo keenay in ay degaankooda ka soo barkacaan isbedelka cimilada taasi oo ku adkeyssay in ay degaanadooda baadiyaha ah ay ku noolaadan.
Ayadoo ay jiraan dadaalo ay wadaan wasaaradaha degaanka dowladda FS iyo kuwa maamul goboleedyada sidii arintaasi wax looga qaban lahaa.

Madaweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed soomaaliya mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo ka hadlaayay sida dadka ku nool KGS gaar ahaan dadka danta yar ayaa sheegay in si aad ah ay u sameysay Isbedelka cimilada taasi oo noqotay xaalad kale oo noloshooda ku soo biirtay.

Sidaas darteeda madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka ku soo barakacay degaanada KG gaar ahaan magaalada Baydhabo loo baahan yahay in wax loo qabto sida waxyaabaha nolosha aas aasiga u ah.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com