Home » Madaxweyne Lafta-gareen oo ka qeyb galay shir looga hadlaayay Abaaraha KGS(SAWIRRO)

Madaxweyne Lafta-gareen oo ka qeyb galay shir looga hadlaayay Abaaraha KGS(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyey Shir looga hadlayey Arimaha Abaaraha iyo sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Dadka Saamaysay Abaaraha ka dhacay Dalka gaar ahaan gobolada KGS.

Shirka waxaa ka qeybgalay Gudiga Gurmadka Abaaraha iyo Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Bini’adanimada.

Wasaaradda gar-gaarka KG ayaa laga dhagaystay warbixino ku aadan xaaladaha dadka ku barkacay gudaha KG.

Dadka ugu badan ee abaaraha sameyay ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku sugan yihiin goobaha ay maamulaan kooxda Al-shabaab iyo degaanada kala xiran.

Sidoo kale shirka warbixinada laga jeediyay ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyinka Baydhabo iyo Xudur ay yihiin magaalooyinka ugu badan ee joogaan dadka abaarta sameysay, iyadoona la sheegay in degmada Xudur ku soo barkaceen qaar kamid ah shacabkii ku noolaa degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure.

Si wax looga qabto oo dadkaasi gar gaar loo gaarsiyo ayaa hay’adaha ka shaqeeya arimaha samafalka ee ka howlgala KGS ayaa waxaa loogu baaqey in ay ka qeyb qataan samatabixinta dadkaasi.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com