Home » Madaxweyne Lafta-gareen oo ciidamada Itoobiya ku amarey in ay xoojiyaan amniga guud KGS(SAWIRRO)

Madaxweyne Lafta-gareen oo ciidamada Itoobiya ku amarey in ay xoojiyaan amniga guud KGS(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Sida uu qorshaha uu yahay 31 December sanadkaan waxaa dalka laga saari doonaa ama ka bixi doonaan ciidamada Itoobiya kuwaasi oo xiligaasi ku egyahay muddo xileedkii loo qabtay in ay dalka sii joogaan.

Madaxweynaha dowladda faderaalka soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay diyaar yihiin ciidamadii la wareegi lahayeen amniga guud ee dalka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlayeen siyaasiinta, kuwa falanqeya arrimaha siyaasadda iyo shacabka sida ugu macquulsan ee dalka soomaaliya Itoobiya ugu bixi karaan oo ciidamada dalkana ay ula wareeji lahaa amniga dalka.

Ka bixidda dalka soomaaliya ciidamada Itoobiya ayaa ka hor yimid madaxweyniyaasha maamul goboleedyada dalka si gaar ah madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaaliya mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) asigoo sheegay in aan la joogin xiligii ciidamada Itoobiya ay ka bixi lahayeen dalka gaar ahaan gobolada ay ka joogaan maamuladooda.

Arrinta madaxweyne Lafta-gareen oo ku diidan in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay hurguf siyaasadeed oo kala dhaxeyaan asiga iyo madaxda dalka si gaar ah Madaxweynaha dowladda faderaalka soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Lataliyaha amniga qaranka soomaaliya mudane Xuseen Sheekh Cali oo ka hadlaayay arrimahaasi ee ku aadan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada DFS xiligaani ay ku filan yihiin amniga guud ee dalka ayadoo la weeqay awoodii kooxda Al-shabaab sidaasi ay tahay in ay timid in Itoobiya dalka ay is kaga baxaan dalka.

Madaxweynaha dowalad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo horey warqad uga soo saaray in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka ayaa sheegay in gobolada KGS ay kamid yihiin goobaha ugu badan ee ciidamada Itoobiya ay dalka ka joogaan sidaasi darteedana aysan noqon karin in 31 December sanadkaan 2024 in ciidamada Itoobiya dalka ay ka baxaan.

Lama qiyaasi karo sida ay arrintaani ay ku soo dhamaan karaan madaama weli ay jiraan wada hadalo ku aadan madaxda dalka ay jiraan sidii loo go’aamin lahaa ama loo xaqiijin lahaa bixitaanka ciidamada Itoobiya.


Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com