Kismaayo (CKG)- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta kormeeray Jiidaha hore ee ay howlgalada ka wadaan Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka sida Janaa Cabdalle iyo Baar-Sanguunni.
Waftiga Madaxwaynaha waxaa qayb ka ahaa Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland, S/Guuto Cabdullaahii Cabdi Yuusuf, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Kaydsane, Taliska guutada 11-aad ee qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Duqa degmada Kismaayo Cumar Cabdullaahi Farawayne, Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Jubbaland iyo saraakiil ka socotay Taliska Nabad sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland.
Ujeedka Socdaalka Madaxwayne ku-xigeenka iyo Waftigiisa ayaa ahaa dardargelinta howlagalada dib u xoraynta dalka oo wajigiisa labaad guud ahaan dalka lagaga dhawaaqay, Dhiirigelinta iyo u kuurgalidda Xaaladda Ciidamada Jiida hore ku sugan iyo Sidoo kale Kormeer iyo Indha-indhayn dadkii ay fadahaaduhu saameeyeen, Waxaana ay Wafdigu soo mareen deegaanada Buulogaduud Janaa-Cabdalle, Singalayr, Fargoogoo iyo Baar-Sanguuni.
Codkakoonfurgalbeed.com