Wednesday, February 28, 2024
More

    Madaxweynayaal & Ra’iisul wasaarayaal hore iyo Siyaasiyiin kale oo ka soo horjeestay go’aannadii Shirkii Golaha Wadatashiga

    Muqdisho (CKG) – Mas’uuliyiin hore xilal kala duwan u soo qabtay iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaal hore iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore ayaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah go’aanadii ay ka soo saareen Shirkii ay ku yeesheen Muqdisho Golaha Wadatashiga Qaran, kaddib war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen.

    Mas’uuliyiintan war qoraal ah oo ay soo saareen ayay waxaa ay ku sheegeen in qaar ka mid ah qodobada ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaran ay baalmarsan yihiin shuruucda u yaalla dalka iyo awood qeybsiga.

    “ Annagoo ah mas’uuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaan soodhawaynaynaa in dalka la gaarsiiyo hannaan doorasho qof iyo cod ah iyo xisbiyo badan, waxaanna aaminsannahay in ay tahay dariiqa kaliya ee dadkaSoomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdooda kuna gudan karaan waajibaadkooda siyaasiga ah kuna dooran karaan dadka matela, taas ooxoojinaysa dowladnimada iyo dimoqraadiyadda, balse aan u cadeyneyno dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

    1. In Golaha wadatashiga Qaran oo aysan u dhammayn madaxda maamullada dalka ay soo saaraan go’aanno siyaasadeed oo taabanaya masiirka dalka, ay khatar gelinkarto midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in go’aanada massiriga ah ee dalka laga qayb geliyo dhammaan dowlad gobaleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadaSoomaaliyeed.
    2. In qaar ka mid ah qodobbada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ) ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen, sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in waxka beddelka qodabada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadooodu kasoo billowdaan hay’adaha u astaysan lagana tala geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed.
    3. In iyadoo aan si qotodheer looga baaraandegin wax kabaddel siyaasadeed lagu sameeyo habka awood qeybsiga iyo hannaanka Dowladnimada dalka, lagana qayb gelin dhammaan qaybaha bulshada waxa ay keeni kartaa dib u dhac, kalsooni darro iyo tafaraaruq bulsho.
    4. Muddada xilhaynta madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyadu waxa ay ku astaysan tahay dastuurka dowladda federaalka iyo dastuuradda dowlad gobaleedyada, sidaas daraadeed waxaan ku baaqaynaa in laga fogaado mudo kordhin heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.
    5. In urrurada siyaasadeed ee dalka lagu jaangooyo laba xisbi oo kaliya waxa ay muujinaysaa in dadka Soomaaliyeed aanay fursad u helin rabitaankooda siyaasadeed lana doonayo in awoodda lagu soo koobo koox yar.

    Bayaanka waxaa si wadajir ah u soo saaray, Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Xasan Cali Kheyre, Cabdiweli Shiikh Axmed, Cabdiweli Gaas, Shariif Xasan Sh. Aadan, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, Hon. Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed.

     CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com