Home » Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo taageerayo ansixinta xubinnimada Finland ee isbaheysiga NATO

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo taageerayo ansixinta xubinnimada Finland ee isbaheysiga NATO

by CKG Editor

Istanbul (CKG) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay dawladdiisu ay taageeri doonto ansixinta xubinimada Finland ee Isbahaysiga NATO, taasoo u fududaynaysa in dalkaasi uu xubin buuxda ka noqdo NATO.

Mr Erdogan, hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyada oo uu dalka Turkiga ku sugan yahay madaxweynaha Finland Sauli Niinisto, isaga oo la kulmay madaxweyne Erdogan.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa hore u codsaday ka mid noqoshada isbahaysiga NATO, muddo haatan laga joogo toban bilood, iyaga oo tobannaan sano ku soo dhaqmayey siyaasado dhexdhexaad ah.

Xubnaha cusub ee ku biiraya NATO ayaa looga baahan yahay inay ansixiyaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah, waxaana codsigooda ka horyimid dalalka Hungary iyo Turkey, iyada oo dalalka kale ay ogolaadeen.

Turkiga ayaa labadan dal ku eedeeyey inay gabbaad siiyaan ururo uu Turkigu u arko inay argagixiso yihiin, isaga oo si gaar ah farta ugu sii fiiqay dalka Sweden.

Ogolaanshaha xukuumadda Turkiga ka dib, haatan waxaa la filayaa in baarlamaanka dalka Turkigu inuu ansixiyo arjiga Finland, waxaana la filayaa in tallaabadani ay dhammaato ka hor doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga ee dhacaysa bisha May 14-keeda.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ogolaanshaha Turkiga ee arjiga Sweden inay ku xiran tahay, tallaabooyinka ay qaaddo xukuumadda dalkaasi.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com