Home » Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo isku Sharxaya doorashada 2024

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo isku Sharxaya doorashada 2024

by Mohamed Adam Socdaal

Washiton (CKG) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu Talaadada maanta ah ku dhowaaqo inuu u tartamayo muddo xileed labaad, isaga oo noqon doono qofkii ugu da’da weynaa ee sidaas sameeya isaga oo ah 80 jir.

“La socda,” ayuu Biden weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad Isniintii.

Biden oo Dimoqraadi ah ayaa la filayaa inuu baahiyo farriin muuqaal ah, si la mid ah sidii uu sameeyey afar sano kahor markii uu ku dhowaaqay inuu u tartamayo doorashadii 2020 ee uu kaga adkaaday madaxweyne Donald Trump.

Kadib guulo sharci oo dhowr ah iyo siyaasad arrimo dibadeed oo caqabado badneyd labadii sano ee ugu horreysay ee xafiiska, Biden ayaanu jirin musharax muuqda oo ku jira xisbiga Dimoqraadiga oo la loolama.

Hase yeeshee waxaa la filayaa inuu wajaho weydiimo joogto ah oo xooggan oo ku saabsan da’diisa.

Biden ayaa noqon doona 86 jir marka uu dhammaado muddo xileedkiisa labaad haddii uu ku guuleysto.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com