Home » Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Saraakiil ciidanka Xoogga dalka kula kulmay Xudur

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Saraakiil ciidanka Xoogga dalka kula kulmay Xudur

by CKG Editor

Xudur (CKG) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa qaabilay Saraakiisha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka oo uu kala hadlay u diyaar garowga bilaabashada wajiga 2-aad ee Dagaallada Dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ayaa ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Xudur ee gobolka Bakool, isagoo halkaasi kulamo kala duwan ka sameeyay.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com