Baydhabo (CKG) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka oo kala hadlay sidii Gar-gaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga Xureynayo Argigixisada Alshabaab iyadoo dhowaan bilaaban doono Wajiga 2-aad Dagaalka lagu Citibtiraayo Khawaarijta waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa ku bogaadiyey Hay’addaha sida ay u garab taagan yihiin Koonfur galbeed xili uu socto qaaban qaabadii ugu danbeysay ee gulufka coleedeed ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab kuwaasi oo wajigiisa 2-aad uu ka bilaaban doono Koonfur Galbeed.
CodkaKoonfurGalbeed.com