Baydhabo: (CKG)- MADAXWEYNE LAFTAGAREEN OO UMMADDA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY BISHA RAMADAAN
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga Bishan barakeysan ee Ramadaan, isaga oo shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan fadliga bishan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna soomaaliyeed.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka koonfur galbeed ugu hambalyeynayaa bilashada Bishaan barakeysan ee Ramadaan, bishaan waa bil kheyr, sidaas awgeed waa in aan badinaa towbadda iyo cafiska, madaama ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga”.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey in ay is caawiyaan oo garab istaagaan walaalahooda danyarta ah, ee Samaysay Abaarta daran ee ka dhacday Dalka.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ku dhiirrigeliyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan walaalohooda dan-yarta ah, Sidoo kale ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka.
CodkaKoonfurGalbeed.Com