Baydhabo (CKG)– Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen oo ay wehliyaan xubno ka tirsan gollaha Wasiirada ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNDP oo ay Hogaaminaysay ku xigeenka Madaxda Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Sophie Kemkhadze.
Kulan qaatay Sacado oo Madaxweynaha iyo Wafdiga wada qaatay waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqaynta Hay’adda UNDP, Koonfur Galbeed iyo Taageerida Wajiga 2-aad Dagaalka Al Shabaab looga Xuraynayo Deeganada Koonfur Galbeed.
UNDP waxay kamid tahay hay’adaha taagyeerada weyn siya Koonfur Galbeed waana mid kamid ah Hay’adaha ugu howlaha badan deegaanada Koonfur Galbeed.
Codkakoonfurgalbeed.com