Home » Madaxweynaha K/Galbeed Oo Farey Guddoomiyaasha G/Degmooyinka KGS Inay U Diyaar Garoobaan La Dagaalanka Al Shabaab (SAWIRRO)

Madaxweynaha K/Galbeed Oo Farey Guddoomiyaasha G/Degmooyinka KGS Inay U Diyaar Garoobaan La Dagaalanka Al Shabaab (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Baydhabo ka daah-furey Shirka Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo gobolada Koonfur Galbeed kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

Shirkan oo socon doono muddo afar (4) maalin ah waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaasha Degmooyinka Iyo Gobolada Koonfur Galbeed qaar kamid ah Hay’adaha Dowlada ka taagyeera horumarinta adeegyadda bulshada iyo adeeg daadejinta.

Madaxweyne Laftagareen oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay halkaasi ka jeediyey ayaa dul istaagay dhowr qodob oo ay kamid yihiin” dhulalka dowladda, la dagaalanka Al shabaab, wadashaqeynta Maamulada degmooyinka guddoomiyaasha Goboladda iyo wasaaradda Arrimaha gudaha iyo qodobo kale.

wuxuuna yiri” beriyahan waxaa deegaanada koonfur galbeed ku soo badanaya dadka isku qaqabsanaya dhulalka dowladda horena sharci ayaan ugu soo saarney cidna looguma aabi yeelaayo maxaa yeelay dhulka dowladda ayaa u baahan isagoo guddoomiyaasha farey inay shacabka ku amraan in laga guuro dhulalka dowladu ay leedahay.

sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu aad ugu dheeraadey La degaalanka waxaa uu ugu yeeray Argagaxisada Al Shabaab waxaa uu yiri” waa la go’aansadey waxaa soo jeediyey madaxweynaha qaranka waa in loo diyaargarooba dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab waxaan sugeynaa qorshihii dowladda ay u sameysay inaguna diyaar ayaan nahay degmo walbo waa inay diyaar gasha si aysan meelna ugu badbaadin kooxdan ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynuhu.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com