Wednesday, February 28, 2024
More

    Madaxweynaha Jubbaland Oo Soo dhaweyey Furista Xuduudka Soomaliya Iyo Kenya

    Kismaayo (CKG)- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay dib u furista xuduudka Dalkeennu uu la wadaago wadanka Kenya oo ay heshiis ku gaareen Dowlada Federaalka ah iyo Dowlada Kenya.

    Furida Xuduudkan oo xiraa inta badan sanadahii lasoo dhaafay ayaa muhiim u ah isku socodka bulshada labada dhinac gaar ahaan dhinacyada hormarka ganacsiga, is dhaafsiga badeecooyinka kala duwan iyo wadaaga himilooyinka labada shacab ee dariska ah.

    Furitaanka xuduudka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo iyo Degmada Mandhera ee mandheera County ayaa la furi doona mudo 30 maalmood ah kadib.

    Sidoo kale xuduudka Degmooyinka Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose iyo Libooyo oo katirsan Garissa County ayaa la furi doona 60 maalmood kadib.

    Sidoo kale -xuduudka Deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubada Hoose iyo Deegaanka Kiunga ee Lamu County ayaa la furi doona 90 maalmood kadib.

    Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada ree Jubaland ee ku nool deegaanada xuduudka ah inay ku gacansiiyaan hay’adaha amniga ilaalinta nabadgalyada xuduudka iyadoo si wadajir ah looga faa’iidaysanayo furitaanka xuduudka oo ahmiyad weyn oo dhaqaale u leh labada shacab.

    Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Dowlada Federaalka ah iyo Dowlada Kenya heshiiska miro dhalka ah ee ay ka gaareen furitaanka xuduudkan oo mudo dheer xiraa isla markana ay dhibaato badan ku qabeen ganacsatada iyo Bulshada walaalaha ah ee labada dhinac.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com