Home » Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmey Safiir Ku Xigeenka Mareykanka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmey Safiir Ku Xigeenka Mareykanka (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Kismaayo (CKG)- Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimid Jubbaland.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha khawaariijta ah iyo dagaalka dib loogu xoraynayo deegaanada Jubbaland oo howlgalo isbada joog ah ay ka wadaan Ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Argagixisada iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanada la xoreeyay.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah islamarkana loogu caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahayeen.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com