Kismaayo (CKG)- Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxaha Al Shabaab ah ee katirsan Gobolka Gobolka Jubada Hoose.
Deegaanada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee Dowlada Jubaland ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha Al Shabaab ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay cutubyo katirsan Ciidamada kala duwan ee Dowlada Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali Argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka Dowladnimada.
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Markii la xoreeyay Deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamada qalabka Sida taas oo ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka Deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee Dowlada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.
Codkakoonfurgalbeed.com