Wednesday, February 28, 2024
More

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Isimada dhaqanka ee Sool & Sanaag

    Muqdisho (CKG) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan Qado Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada Sool iyo Sanaag.

    Axmed Madoobe ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaataan nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

    Garaadada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyay kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka.

    CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com