Wednesday, February 28, 2024
More

    Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo saxiixay guddiga dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka

    Muqdisho (CKG) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ee magacaabista xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka  oo Kala ah:

    1. Mudane Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye
    2. Mudane Axmed Maxamed Jaamac; Xubin
    3. Mudane Maxamed Cabdalla Saalax; Xubin
    4. Marwo Farxiyo Muumin Cali; Xubin
    5. Mudane Maxamed Xasan Idiris; Xubin

    Xubnaha Guddigan waxaa ansixiyey Golaha Shacabka ee BFS iyo Golha Aqalka Sare ee BF Soomaaliya, kadib soo jeedinta Golaha Wasiirrada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka.

    CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com