Home » Madaxweynaha JFS Xasan oo Ubax dhigay Taallada SYL Xuska maalinta dhallinyarada awgeed +(SAWIRRO)

Madaxweynaha JFS Xasan oo Ubax dhigay Taallada SYL Xuska maalinta dhallinyarada awgeed +(SAWIRRO)

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska  aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan ayaa tilmaamay in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taas oo ah argagixisada kusoo duushay nolasha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dhallinyarada ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga dulqaadaan khawaarijta.

“Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah in ay dalkooda ka xoreystaan khawaarijta xasuuqday dadkeenna, noloasha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna”.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay  muhiimadda ay dowladdu siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kor loo qaaday doorkooda hoggoomineed iyo shaqo-u-abuurka, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com