Home » Madaxweynaha JFS Xasan oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM

Madaxweynaha JFS Xasan oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM

by Weriye Ahmed Yare

Muqdisho (CKG) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.

Dr Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa ka wada hadlay dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay si wax looga qabto caqabadaha beni’aadannimo ee ka jira goobaha laga saaray argagixisada.

Ambasadoor Catriona Laing ayaa dhankeeda Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, iyadoo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab looga xorreynayo dalkeenna.

Danjire Catriona Laing ayaa waxa ay xustay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka beni’aadannimo.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com