Home » Madaxweynaha Iiraan iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

Madaxweynaha Iiraan iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

by Weriye Ateera

Wakaaladda Wararka dalka Iiraan (IRAN) ayaa maanta oo isniin ah shaacisay in Madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi iyo wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi mudane Hossein Amir-Abdollahian ay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay Waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Wakaaladda Wararka Mehr ee Iiraan ayaa sheegatay in Madaxweynaha dalkaas iyo intaa la socotay dhamaantood ku geeriyoodeen shilka diyaaradeed ee ka dhacay dhulka keymaha ah ee buuraha ah ee Dizmar, una dhow magaalada Farzaghan.

Wakaaladda Wararka dalka Iiraan (IRAN) ayaa sheegtay in diyaaradda dhacday ay sidoo kale la socdeen guddoomiyaha bariga Asarbayjan iyo imaamka gobolka, ayaa sidoo kale la socday madaxweyne Raisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee.

Warbixinta Qaranka ee rasmiga ah ee dalka Iiraan ayaa shalay sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo siday Madaxweyne Raisi ay shil ku gashay gobolka Julfa ee bariga gobolka Asarbayjaan, iyadoo xiligaas ay jireen xaalad cimilo xumo.

Hay’adda bisha Cas ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhoor iyo toban saacadood oo samatabixin iyo raadin uu qaatay howgallada baadi goobka diyaaradda, iyadoo qeyb wayn uu ka qaatay dalka dalka Turkiga baadi goobkaas lagu helay halka ay ku dhacday diyaaradda Madaxweynaha Iiraan.

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com