Home » Madaxweynaha Hirshabelle Oo Booqdey Xaafadihii Uu Fatahaada Ku Sameeyey Wabiga Shabeelle

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Booqdey Xaafadihii Uu Fatahaada Ku Sameeyey Wabiga Shabeelle

by Mohamed Adam Socdaal

Baladweyne (CKG)- Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa socod ku maray buunda nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo barakac baahsan uu ka socday iyadoo Wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa booqday deegaanka Ceeljaale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid dadkii deganaa Magaalada oo ay saameeyeen fatahaada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyadoo Magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha,

Maraxweynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha samafalka inay si deg deg ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaada Wabiga Shabeelle.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com