Home » Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Hay’adaha QM kala hadlay u gurmashada dadka ka barakacay fatahaadaha

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Hay’adaha QM kala hadlay u gurmashada dadka ka barakacay fatahaadaha

by Mohamed Adam Socdaal

Baladweyne (CKG)- Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay u qaabilsan FOA, WFP, UN-OCHA, UNSOS iyo UNSOM ee Jooga Beledweyne,

Madaxweynaha ayaa Wakiilada warbixin ka siiyay baaxadda xaaladda fatahaada ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo saameynta daran ee ay bulshada ku yeesheen xili dadkii deganaa Magaalada ay inta badan ka barakeen guryahoodi qaar kale oo wali ku go’doonsan gudaha Magaaladana laga soo daad guraynayo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobe in gargaar deg deg ah oo isugu jira cunno, biyo, hooy iyo dawooyin  lasoo gaaraan dadka guryahooda kasoo barakacay  ee daadsan bariga  iyo galbeedka Magaalada Beledweyne.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com