Home » Madaxweynaha Dalka Oo Kulan La Qaatay Wafti Ay Hoggaamineyso Agaasimaha Fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain.

Madaxweynaha Dalka Oo Kulan La Qaatay Wafti Ay Hoggaamineyso Agaasimaha Fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain.

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay wafti ay hoggaamineyso agaasimaha Fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain.

Madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Cindy McCain ayaa ka wadahadlay horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida.

Dhankeeda, Marwo Cindy McCain ayaa bogaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso barnaamijyada tayeynta cunnada, iyadoo ballan qaaday in WFP shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageeri doonaan in ay gaaran isku fillaansho buuxda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com