Baydhabo(CKG)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa furey Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8,aad oo Sanadkii 5,aad Qaadayso Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed.
Munaasabada Furitaanka Imtixaanka Shahaadiga Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Waxbarashada Mudane Ibraahim Aadan Ali Najah, Agaasimaha Guud Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan, Saraakisha Hay’addaha Amniga iyo Howlwadeenada Wasaraadda Waxbarashada.
Madaxweynaha ayaa ardada kula dar-daaramay in loo soo jeesto sidii looga bixi lahaa jahliga, wuxuuna ku dhiira-galiyay in ay imtixaanka ka galaan kaalamaha hore.
tani ayaa madaxweyne laftagareen ku tilmaamay guul weyn ay soo hooyatay maamulka KGS, wuxuuna sheegay in ka maamul ahan qorshahooda uu yahay in degaanada KGS lagu soo kordhiyo iskuulaad dheeraad ah si loo horumariyo arimaha bulshada kuwaasi oo noqon doonaan kuwo lacag la’aan ah.
Codkakoonfurgalbeed.com