Home » Madaxtooyada Soomaaliya Oo Beenisay Iney Mudo Kordhin U Raadineyso ATMIS

Madaxtooyada Soomaaliya Oo Beenisay Iney Mudo Kordhin U Raadineyso ATMIS

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)– Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay wararka sheegaya iney mudo kordhin laba sano ah u raadinayaan ciidamada ATMIS ee dalkan ka howlgala oo qorshaha ahaa iey dalka isaga baxaan wixii ka dambeeya 31-ka December 2024.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Xuseen Sheekh Cali oo qoraal kusoo daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa beeniyay warka uu daabacay wargeyska The East African, waxa uu sheegay in dhamaadka sanadka danbe ay ciidankaasi shisheeye dalka isaga huleelayaan oo ay amniga guud si tartiib tartiib ah ula wareegayaan ciidamadda SNA.

“Tani waa warbixin been abuur ah, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay ka qaado ATMIS maadaama ay u xilsaartay UNSC qaraarada 2628 & 2670 marka la gaaro December 31, 2024. Waxaan diiradda saareynaa wixii ka dambeeya ATMIS-ka,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Si kastaba, wargeyska The East African ayaa lagu daabacay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in ciidamada ATMIS ay sii joogaan Soomaaliya labo sano dheeraad ah wixii ka dambeeya 31-ka December 2024-ka oo qorshuhu yahay in ay baxaan.

Shir ku saabsan mustaqbalka ciidankaasi ayaa ka socda magaalada Kampala, shirka wuxuu soo bilowday 24-kii bishan, wuxuuna xirmayaa 27-ka isla bishan, waxaa goobjoog ah mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Midowga Afrika, Xarunta Dhexe ee ATMIS, Waddamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya sida Burundi, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Soomaaliya, iyo Wakiillo ka socda Soomaaliya iyo caalamka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com