Home » Macallin Dugsi Qur’aan iyo Xaaskiisa oo aano qabiil darteed loogu dilay Galgaduud

Macallin Dugsi Qur’aan iyo Xaaskiisa oo aano qabiil darteed loogu dilay Galgaduud

by Weriye Ahmed Yare

Dhuusamareeb (CKG) – Macallin Dugsi Quraan iyo Xaaskiisa ayaa lagu soo warramayaa in xalay lagu dilay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya, in Allaha u naxariistee Macallinka iyo Xaaskiisa lagu dhex dilay gurigooda oo ku yaallay deegaan lagu magacaabo Bulacle oo hoostagta Dhuusamareeb.



Warar ay haleyso Warbaahinta CodkaKoonfurGalbeed.com ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogteen Macallinka iyo Xaaskiisa, iyagoona durba goobta ka baxsaday.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya, in labadaasi marxuum loo dilay aano qabiil oo ka taagan deegaanno ka tirsan magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo isku geysanaya beelo halkaasi wada-daga.

Falkaasi foosha xun ee loo geystay Macallinka iyo Xaaskiisa ayaa argagax ku reebay dadka deegaanka, iyadoo si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada iyo deegaankaba.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay halka uu dilkaasi ka dhacay, iyagoo howlgal baaritaan ah ka billaabay goobta, walow aan weli cidna loo soo qaban falkaasi foosha xun.

Dhawaan ayay aheyd markii in ka badan 50 qof ay ku dhinteen dagaal beeleed ka dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, iyadoo hadda ay taallo gogol nabadeed ay dhigtay Galmudug oo lagu heshiisiinayo beelihii halkaasi ku dagaallamay.

CodkaKoonfurGalbneed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com