Home » Maamulka Xudur oo Injineerada Dhisaya Wadooyinka Degmada uga Baaqay in la shaqaaleysiyo Dadka Deegaanka.

Maamulka Xudur oo Injineerada Dhisaya Wadooyinka Degmada uga Baaqay in la shaqaaleysiyo Dadka Deegaanka.

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool Cumar Cabdulahi Maxamuud Atuu oo ka hadlay Wadooyin Laami ah oo laga dhisaayo Degmada Xurdur ayaa la Dardaarmay Injineerada Dhisaya Jidadka.

Gudoomiye Atuu ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay in Degmo dhowr sano Go’adoonsan hadane ay hesho Wadooyin laami ah oo hab Casir ah loo dhiso, isagoo sheegay in ay ku timaaday Maamul Wanaag.

Waxaa uu la dardaarmay dadka qacanta ku haaya Dhismaha Jidadka Xudur, waxaa uu ku Adkeeyey sameynta Jidad Bulshada wax u tara oo noqon kara Dhaxal waara.

Sidoo kale Gudoomiye Atuu ayaa sheegay dhibaato ka dhalan karta hadii Jidadka aanay si wanaagsan loo dhisin taasi oo sababi karta in ay Bulshada Degmada ay ku waxyeeloobaan.

Gudoomiye Cumar Atuu oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay faa’iido kale oo Bulshada Degmada ay leedahay Dhismaha Jidadka taasi oo ah Shaqo Abuur oo Dadka ku nool xudur ay baahan yihiin Laftirkooda.

Mas’uuliyiinta ku shaqada leh Dhismaha Jidadka Laamiga ah ayuu usheegay in aysan Shaqaalo kale Bannaanka ka keensan oo Dadka deegaanka looga Faa’iideeyo.

Degmada Xudur oo Muuddo Sanado ah ay Ga’odoomiyeen Dagaalyahnada Al-Shabaab ayaa hada sameyneysa Horumaro kala duwan iyo kasoo Kabasho balaaran.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com