Wednesday, February 28, 2024
More

    Maamulka Sh/hoose oo la kulmay taliyaha qeybta koowaad (Sector One) ciidamada ATMIS(SAWIRRO)

    Sh/hoose(CKG)-Godoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa Maanta la kulmay taliyaha qeybta koowaad ( Sector One ) ciidamada ATMIS Ee Gobolka Shabeelada Hoose Sareeye Guuto Peter Gaetano Omola oo arrimo dhowr ah Ay ka wada hadleen.

    Gudoomiye Barre iyo taliyaha ATMIS Sector One ayaa ka wada hadlay dardar gelinta howlgalada ka socda Gobolka Shabeelada Hoose iyo sidii ay si wadajir ah isaga kaashan lahaayeen sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha Khawaarijta.

    Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ayaa xusay in Sidoo kale Sareeye Guuto Peter Gaetano Omola uu kala hadlay in ciidamada ATMIS Ay tahay in ay u turaan shacabka Gobolka Shabeelada Hoose waqtiyada ay ku guda Jiraan howgalada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka.

    Gudoomiye Barre ayaa shaaca ka qaaday in uu la wadaagay in aan la aqbali Karin Duqeymaha ay geysanayaan Ciidamada ATMIS in lagula xisaabtami doono hadii ay Qsaaro ka soo gaaraan shacabka Gobolka Shabeelada Hoose.

    Ugu danbeyn Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ayaa qoraal uu soo saaray ku Sheegay in isaga iyo taliyaha ATMIS ay isku af garteen in ay si wadajir ah u xoojyaan Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta oo naafeeyay horumarka dhinac walba ee bulshada Soomaaliyeed ay maanta hiigsanayaan.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com