Wednesday, February 28, 2024
More

    Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gargaar Gaarsiiyey Dadkii Ku Barakacay Xaafada Buulow Ee Degmada Xudur (SAWIRRO)

    Xudur (CKG)- Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareeynta Masiibooyinka Koonfur Galbeedoo kaashaneysa Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaranka ayaa maanta Degmada Xudur gaarsiiyey Deeq raashin ah oo loogu talagalay Dadkii saameynta ku yeeshey Biyihii Roobka ee Xaafadda Buulow ee magaalada Xudur.

    Deeqdan oo ah Mucaawino oo Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaranka ay ugu talagasahey in la gaarsiiyo qoysaska ugu daran ee Saameeynta ku yeeshey Biyaha roobka, waxeyna sidoo kale ay Kormeereen Wefdiga Bulshada kunool Xaafadda Buulow oo ay indhahooda kusoo arkeen dhibaatooyinka halkaas kajirto.

    Guddoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa madaxdu faahfaahin ka siiyey Xaaladda iyo Nolosha dhabta ah ee ay kunool yihiin Bulshada, isagoona uga mahadceliyey Booqashada ay Xudur kusoo gaareen iyo bilowga gargaarka ah ee ay soo gaarsiiyeen Bulshada. Wuxuuna sidoo kale Gudoomiyuhu la wadaagey muhiimada ay leedahey in Bulshadaan lasoo gaarsiiyo gargaar dhankasta ah.

    Dhankooda Madaxda Wefdiga ayaa sheegey in gargaarkaan uu bilow u yahey islamarkaasina ay ku baaqeen in gargaar dhankasta ah lasoo gaarsiiyo Bulshada magaalada Xudur oo go’doonka Saameeyey hadana Biyihii roobka guryahooda ugu soo galeen, iyaguna ay ku dadaali doonaan ay sii Laba-jibaaro doonaan Gurmadka Bulshada dhankasta ka go’doonsan, waxaana sidoo kale ku wehlinaayey Isku-duwaha Samafalka ee Gobolka Bakool, Gudoomiye kuxigeenada Degmada Xudur.

    CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com